Kumuu ahaa Joram Van Claveren?

Ninkii isagoo buug Islamka ka soo horjeeda(Unti-slam book) qoraya Muslimay!!



Joram van claveren waxa uu ahaa midigta fog(far right) ee dalka Hollan kana tirsanaa Dutch Parliamentka, waxa uu aad u necbaa diinta islaamka isagoo aflagaadayn iyo Hor istaag badan ku hayay. waxa uu sameeyay sharciyo aan sinaba u ogaalaynin in islaamku uu ku dhex faafo gudaha Netherland, waxa uu aaminsanaa in aanay jirin diin ka xun Diinta islaamka, waxa kale oo uu aaminsanaa in Islaam-nimadu ay tahay argagixisanimo. 




Mar waraysi ku saabsanaa sida uu islaamay isagoo Midigta fog ah ayuu kaga jawaabay su'aalahan:

1: Waa kuma Joram Van?

2: Noloshaadu siday ahayd intaadan Islaamin ka hor?

3: Maxaa kugu kalifay inaad qorto buug islaamka ka soo horjeeda? Sideed se u qoraysay?

4: Waa kuwee kitaabada aad tixraacaysay?

5: Muxuu ahaa wixii kuugu cajiibsanaa intaad ku dhex jirtay wax akhriskaagii?

6: Maxay ahayd falcelintii dadkii kugu dhawaa markii ay maqleen inaad muslimtay?

7: Maxaad dareentay markii aad tukatay salaaddii ugu horraysay?

8: Maxay ahaayeen caqabadihii aad wajahday markii aad islaamnimada qaadatay?

9: Muxuu ahaa ereygii ugu adkaa ee aad ka qoomamayso ee aad u isticmaashay islaamka?

10: Sidee habboon in dadku islaamka u raadiyaan? Ma se ku waanin lahayd in ay google ka raadiyaan?

11: Maxaad jeclaan lahayd in farriintaada u daanbaysaa ay nqoto?

 

 

1:Waa kuma jaram?

Jaram waxaan dhashay 23 January 1979 magaalada Amistardam ee waddanka Holland, waxaan ka dhashay qoys Christian Protestant ah oo waliba diintooda ku adag kuna dhaqma.

Markii aan dugsiga sare dhameeyayna waxa aan ku biiray barashada is barbardhigga diimaha, Dhowr sanana macallin ayaan ahaa, wakhtiyadaa waxaan xubin ka noqday Freedom Party, sidoo kale waxan xubin ka noqday Dutch Parlamaanka, markii danbana waxaan go’aansaday inaan qoro buug islaamka ka soo horjeeda taas oo markii danbe igu kaliftay inaan ilaahay raadiyo kadibna isku baddashay inaan islaamka qaato”

 

2:Noloshaadu siday ahayd inaatdan islaamin ka hor?

 “Waxaan ahaa Cristian Protestant ah gaar ahaan kaniisadaha horumaray, BIBLE kana waan akhrin jiray.

Dabcan waan aaminsanaa inuu hal Ilaah jiro cadaabtana waan aaminsanaa jannadana waan aaminsanaa, malaaigtana waan aaminsanaa laakiin waxyaalaha aan muslinka kaga duwanaa waxay ahayd inaan aaminsanaa in ciise uu yahay wiilkii ilaahay Philosophy ahaanna waxaan u aaminsanaa in Nebi Ciise uu ilaahay yahay (Subxaanallaah), waxaan kaloo aaminsanaa in ciise la salbiyay haddana la soo noolaysiiyay, waxaan kaloo aaminsanaa in Nebi ciise uu yahay heshiisiiyaha Bani aadamka iyo Ilaahay. Aaminaadda saddexda ilaah runtii way yar adagtahy in la aamino sababtoo ah Ilaaha uu Bible ku sheegaa waa Ilaah weligiiba jiraya, Ciise oo Ilaahay ahina wuu dhimanayaa Macquul maaha in Ilaah dhimanayaa uu Ilaahii saxda ahaa noqdo, waxyaalahan oo klena waxa ay ahaayeen wxyaalihii aan su’aasha galiyay berigii aan 16-17 jirka ahaa  wxaan wax ka waydiiyay culimo badan oo diinta christianka haystay jawaabo cadna waan ka waayay, Arrintaasi waxa ay igu abuurtay shaki wayn haddana meel baan iska dhigay waxaanna isku qanciyay in aanan gaadhin xilligii aan si dhaba u aamini lahaa, ilaa haddana waan aaminsanaa in hal Ilaahay uu jiro Ciisana uu ahaa qof muhiim ah Haddana ilaah ah oo ah wax aan is qabanyn runtii”

 

3:Maxaa kugu kalifay inaad qorto buug islaamka ka soo horjeeda? Sideed se u qoraysay?

"Markii aan dhameeyay dugsiga sare waxaan galay  jaamacadda oo lagu baranayay is-barbar-dhigga diimaha 2001kii wakhtigaas oo ahaa markii ay qarxeen daarihii maraykanku, waxaanna is aaminsiiyay in muslimiintu ay yihiin dad waal-waalan diintooduna aysan xaq ahyn, dhowr sano kaddibna waxaa Netherland ka dhacday dhacdadii THEO VAN GOGH, dhacdadan oo ah markii la dilay nin filim sameeye can ah oo madaxa laga tootgay in calooshana mindi laga galiyay, Ayaan Hirsi Ali na loo hanjabay. Waxyaalahaas ayaa kor u qaaday nacaybka aan u qabo diinta Islaamka waxaanna go’aansaday inaan qaab siyaasadaysan uga falceliyo Sababtaasaana keeeentay inaan buuug islaamka ka qoro si aan u caddeeyo in islaamku uu khatar dunida ku yahay, sidaan horay kuugu sheegay su’aalihii aan horay isku waydiinayay ayaa dib iigu soo laba kacleeyay jawaabahoodii oo dhanna waxaan kaa dhex helay diinta Islamka sababtoo ah markii aan qorayay buugga dadku waxay u malaynayeen inaan buug siyaasaysan aan qorayo lakiin waxa aan qorayay buug Dhanka diinta wax ka eegaya, waxaanan is barbar dhigayay aragtida Christianka ee Ilaahy ku aaddan iyo Aragtida Islaamka ee Ilaahay ku aaddan, Markaan akhriyay dhanka Islaamka waxaa ii soo baxay Tawxiidka oo Caddaynaya in hal Ilaah oo kali ahi uu jiro, taas ayaana iila muuqatay fikir lagu qanci karo, haddana waxaan dib u eegis ku sameeyay Bible ka Old Testament ka oo aan arkay in Nabiyadu ay lahaayeen WAXAA JIRA HAL ILAAH. Waxaanna isku qanciyay waxaad fiirisaa kalmadaha Nebi Ciise oo kali ah eek u qoran New Testament-ka, markaan arkay sheekada ku qoran New Testament-ka ee uu nin u imaanayo Nebi Ciise ee uu waydiinayo waxay waxa nolosha ugu muhiimsani? sideen se jannada ku gali karayaa? Nebi Ciisana uu ugu jawaabayaa reer israa’iiloow Ilaahiinnu waa hal qudha jaarkiinnana ula dhaqma sidaad jeclaan lahaydeen inay idiinla dhaqmaan oon wanaag ah markaasaan ku fikiray soookan Nebi Ciise leh Ilaahiinu waa mid, markaasaan ku qancay in aragtida diinta islaamka ku xusani ay sax tahay  Qisadaasina waxa ay ku xusantahay kitaabka MARK cutubka 12aad aayadd 29aaad. Waxaanan arkay in diintayda Christianku ay i barayso wax aan Kitaabkeeduba cadaynayn".

 

4:Waa kuwee kitaabada aad tixraacaysay?

 "Maadaama aan diinta islaamka la yaabanaa waxaan farriimo u diray dadyow lagu kalsoonaa oo uu ka mid ahaa Sh..Abdiakiim Murad oo professor ka ahaa jaamacadda Cambridge, isagana waxoogaa qariib ayay ku noqotay sababtoo ah w  axaan ahaa nin siyaasi ah oo diinta islaamka aad u necbaa oo hadana qoraya buug islaamka ka soo horjeeda islamarkaana raba inuu ku qoro aragtiyo diinta islaamka ka soo horjeeda. hadana aan wadiinayo inuu iga caawiyo qoridda buuggan, waxaanna rabay inaan waydiiyo sabata uu islaamku u caawiyo Argagixisada, sababta uu islaamku u yahay ka soo horjeedka hablaha, ka soo horjeedka wax walba oon aaminsanaa inay saxanyihgiin. SH.abdulhakim waxa uu ii soo diray article dheer oo sensitive ah oo uu iigu sharraxayo su’aal walba oon waydiiyay, hadana uu ii raacinayo waa inaad akhrisaa buuggaas, waa inaad qofkaa waxaa waydiisaa waaa inaad halkaa wax ka raadisaa iyo wax walba halka aan ka heli karo iyagoo sax ah. Anoo ku wareersan aaminaadda nabinimada iyo nabigee sax ah ayuu Sh.Abdulhakiim ii soo diray qoraal uu igu leeyahay waxaad akhriday qoraallo ay dad aan muslim ahyn ay Islaamka ka qoreen taas ayaana wareerka keenaysa e akhri buugta ay dadka muslimka ahi ka qoreen Diintooda ISLAMKA. Sidii ayaan ku dhaqaaqay oo markii aan akhrinayay noloshii Nebi Muhammed (scw) waxaan akhriyay kitaab uu qoray Martin links oo ahaa Christian diinta Islaamka dib ka qaatay waxaana I soo jiidatay sida uu wax isku barbar dhigayo ee wax u caddaynayo sababtoo ah waxaanu ahayn isku dhaqan xagga diinta Christianka. Martin waxa uu ahaa qofkii koowaad ee ii caddeeya in Nebi Muhammed (scw) aanu ahyn dagaal ooge sida aan aniguba aaminsanaa ee uu ahaa Aabbe, muccalim, qof ku wanaagsanaa in lala saaxiibo waxaanan arkay in aanan hadda oran karayn ninkani waa nin xun waxaana ii caddaatay dabeecadihiisii wanaagsanaa".

 

5:Muxuu ahaa wixii kuugu cajiibsanaa intaad ku dhex jirtay wax akhriskaagii?

"Waxay ahyd qisadii Hinda waxayna ahayd qisadii isbaddalka igu abuurtay waayo Hinda waxay ahayd xaasaska mid kamida dadka cadowga Islaamka ku ahaa Abusufyaan, kaas oo lacag ku bixiyay in la dilo Xamse oo ahaa Nebiga adeerkii, waana la dilay Hamse oo weliba six un baa loodilay jidhkiisana qaybo kamid ah waa la jarjaray. Markii danbe ee Islaamku awood yeeshay ee uu Makka qabsady ayay Hinda timid waxaan islahaa 'OH! Haddaa la daldalayaa ama gacmaha laga goynayaa' laakiin Rasuulku(scw) waxa uu yiri wajigaaga ma eegikaro qof walbana waa la cafiyiyay oo qof walbaa islaamka wuu ku dhex noolaankaraa (bal qiyaas qof adeerkaa oo aad dad ugu jeclayd six un u dilay si uu adi kuu liido oo haddana hortaada yimi adigoo ka awood badan haddana aad cafi­­say!! Dabcan arrintan waxaa samayn kara uun qof wayn oo dabeecad wanaagsan leh) taasaana ii caddaysay in uu Nebi yahay dabeecadihiisa uu cadowgiisa iyo Asxaabtiisaba kula dhaqmayo dartood. Markii aan halkaa marinayay ayaan xasuustay inaan hadda ka hor aaminay in uu Ilaahay yahay ka kaliya ee jira Haddana aan aaminay In Muhammed(scw) uu yahay Rasuulkii Ilaahy soo diray  taasina waa Shahaadadii lagu soo galayay diinta suubban ee Islamka".

Haddii aan arrin kale oo igu dhacday aan kuu sheego malaha ima aaminaysid laakiin waa xaqiiq kale oo igu dhacday 'Markii uu dareenka Islaamnimadu isoo galayay ayaan mar waxaan ku fikiray inaan dhinac iskaga leexiyo buugaagta oo aan waxanpa iskaga dhex baxo, Buugtii khaanad sare ayaan ku xareeyay laakiin waxaa soo dhacay dhowr buug oo QUR’AAN-ku ku jiro, wuu kala furmay oo waxaa soo baxay aayaddan Surah 22 Aayah 46 أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَكِنْ تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ {الحج:46}. Dhulka may socdaalaan si ay u yeeshaan quluub wax fahmaysa oo caqli leh ama dhego ay wax ku maqlaan laakiin indhaha araggu wax ma arkaan ee indhaha caqligu ku jiri ayaa wax arkaMarkaas ayaan is iri wallee adiga ayaa kan ah waayo waan arkaa oo waan qoray xaqqa iyo xaqiiqdana waan arkaa oo cid igu tiri waxan qor oo sidan dheh ma jirto markaasaan dareemay in indhahyga qalbigu aanay weli wax arkayn waxa u diidayaana ay naftayda tahay, markaasaan iri “ILAAHOOW ilaaha Bible ka ama Ilaaha QUR’AANKA ka uu doonaba ha ahaadee waxaad I siisaa Caddayn in Islaamku uu xaqqii uu yahay” markaasaan iska seexday waxaan soo kacay subaxdii anoo xassiloon oo aan weli arag xasilooni tan la mid ah walaacii iyo murankiina wuu iga tagay markaasaan isla hadlay oon is iri waxaan u malaynayaa inaan muslimay oo aan dadka kale ogaysiiyaa".

 

6:Maxay ahayd falcelintii dadkii kugu dhawaa markii ay maqleen inaad muslimtay?

"Dadka badankoodu si xun bay uga falceliyeen, dad bandanna sida eeddooyinkay iyo adeeraday way yaabeen waayo yaab ayay ku noqotay, Hooyaday markii aan u sheegayna way oyday, xaaskayguna way iska furfunayd waxayna igu tiri “Haddii ay dhab kaa tahay inaad muslimtay qalbigaagana ka soo go’day anigu yaan ahay markaan kaa hor istaagayo?” Dad aanu wada shaqayn jirnayna sixun bay uga falceliyeen waxaana I soo gaadhay ilaa 2000 (labo kun) oo hanjabaadood oo dil la iigu hanjabayay weliba dadkii I taageersanaa ee ii codeeyay waxay i lahaayeen “xaaskaagaanu Kufsan doonnaa, waanu ku dili toonnaa, caruurtaada waanu naqaannaa halka ay school k aka tagto” iyo waxyaalo kale oo aan macno wayn sii lahayn waayo waa dad waalwaalan oo Computer uun wax iskaga soo qoraya. Shaqadayduna waxay ahayd inaan ka tirsanaa hay’ad chrisstian ah, hoggaamiyahayagiina markaan u sheegay waxa uu igu yiri “ma dhici kartee!! Oo ma kaa runbaa? Arrintani inay dhici doonto waan ka shakisanaa waayo markii aan arkay adoo idaacadaha ka hadlaya dhinac baad u jenjeedhay oo erayo ad-adag maadan isticmaalayn” markaasaan ku iri Haa waan Muslimay, dhowr cisho kadib intuu ii yimi ayuu igu yiri “Labo cisho ma aan seexan, qariib ayay igu noqotay arrintii aad ii sheegtay”. Markii iigu adkayd waxay ahayd markii aan awowgay u shegayay dabcan waa inaanna u sheegaa Hooyana waxay igu tiri waa inaad awowgaa u sheegtaa, wakhtigaas awowgay wuxuu ahaa 93-94jir sariirtii uu ku dhiman lahaan iska dulyaallay Hooyo ayaan ku iri waa inaad i sii raacdaa si aan gabbaad kaaga dhigto, waan u tagnay waxaanna ku iri “awoowe waan muslimay!” indhuhuu isku qabtay neeftiina wuu yar joojiyay waxaanna mooday inuu dhintay haddana wuu soo kala qaaday markaasuu iigu war celiyay “uguyaraan Catholic maad noqon” qosol bay yara ahyd. Ugu danbayntii maareeyahaygii radio ga ayaan u sheegay isna waxa uu igu yiri “Malaga yaabaa inaad berrina Hinduu ama wax kale aad noqoto!!” waxaanan ugu jawaabay “anigu Christianka maan dooran Islaamnimadu waa doorashadaydii ugu horraysay ee aan diin ahaan qaato, waana go’aankii iigu muhiimsanaa ee aan abid qaato waayo weli go’aan aan qaadanayo sanaddo kama fikirin Kan ka horow”

 

7:Maxaad dareentay markii aad tukatay salaaddii ugu horraysay?

"Waxay ahayd wakhti quruxbadan oo qariib igu ahaa islamarkaana aan xiisaynayay waayo christianku sidan oo kale uma tukan jirin oo gacmaha uun baa la isa saaranayaa laakiin Islaamnimada marka aad Sujuud-santahay halkii jidhkaaga ugu korraysay baad ugu hoosaysiinaysaa  taas oo muujinaysa tawaaduc iyo is-duldhig aadna u quruxbadan anigana aad ii farxad galinaysay".

 

8:Maxay ahaayeen caqabadihii aad wajahday markii aad islaamnimada qaadatay?

"Dabcan islamnimada laftarkeeda ayaaba caqabad kala kulmay sidii aan ugu sheegi lahaa Family ga iyo adduunkaba, caqabadda kale waxay tahay marka aad Christian protestant ah tahay ma jiraan waxyaalo aad diin ahaan u samaynaysaa ma jiraan laakiin marka aad Islaam tahay waxyaalo badan ayaad ISLAAMNIMADA darted aad u samaynaysaa oo ay ka mid yihiin inaad maalintii 5 jeer tukataa, qaab goonni ah wax u cuntaa, wax walba waa inaad siga ugu wanaagsan u qabataa/ula dhaqantaa. Marka aad maalintii 5 jeer tukataa waxay ku soo xasuusinaysaa Ilaahy oo mar walba waad ka warhaynaysaa waana waxa ay Christianka kaga duwantahay arrimahaa oo markii hore aan is lahaa way kugu adagyihiin haddana markii aan muslimay ii fududaaday".

 

9:Muxuu ahaa ereygii ugu adkaa ee aad ka qoomamayso ee aad u isticmaashay islaamka?

"Wuxuu ahaa ISLAAMKU WAA BEEN!! QURAANKU WAA SU!! Erayadaas oo ahaa erayo jaahilnimo halkii ugu sarraysay ah qaladna igu ahaa inaan isticmaalo sababtoo ah waxaan been ku sheegayay ummad dhan iyo wixii ay hadhsanayeen. Waa arrin ilaa hadda i dhibta waana sababta aan u aasaasnay Hay’adda Islamic Experience Center (EXI) Xaruunta waayo’aragnimada islaamka waxaanu tagnaa Schoolska, Collegeska, jaamacadaha, xaruumaha dowladda, hay’adaha bulshada, iyo Kaniisadahaba si aan ugu caddayno Islaamka ugana jaahil saarno waxa qaldan ee ay ka aaminsanyihiin una tusno is islaamku aanu ahyn khiyaali ee uu yahay xaqiiq, waxaasoo dhan waxaan u sameeyaa inaan ku tirtiro wixii aan horay u soo sameeyay.

 

10:Sidee habboon in dadku islaamka u raadiyaan? Ma se ku waanin lahayd in ay google ka raadiyaan?

May kulama taliyeen inay Google ka raadiyaan e waxaan kula talin lahaa inay Computerska iska daayaan oo ay sida dhabta ah Buug ama Kitaab uga raadiyaan, weliba waxaan kula sii talin lahaa inay akhriyaan siiradii Nebiga (scw) buugga uu ka qoray MARTIN LINKS oo ah buug cagaar ah, kulama taliyeen in qofku marka u horraysa uu Kitaabka QUR’AANKA uu soo qaato waayo waa kitaab adag hadaadan haysan qof yaqaanna macnihiisana si fiican u fahansan, Nolosha Rasuulka (scw) ayaaba ahayd QUR’AAN soconaya oo aayad aayad ayuu ugu soo dagayay halkaas ayaad si fiican uga fahmi doontaa macnaha QUR’AANKA.

 

11:Maxaad jeclaan lahayd in farriintaada u daanbaysaa ay nqoto?

"Markii aan islaamay kadib waxaan dareemay farxad aanan horay ii soo marin waxaanan qofwalba ku casuumi lahaa islaamnimada, qof walbana waxaan kula talin lahaa inuu barto qaab nololeedkii Rasuulka (scw) e aanu eegin qaabka ay Dadka Muslimiinta ahi u noolyihiin waayo waxaa jira dad badan oo Muslimiin aha hadana aan u dhaqmayn sidii Nebi Muhammed (scw), Qofwalbaana uu ku daydo Rasuulka (scw).

 

       Waxaa Qoray Maankoos________________________________



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post

Ad Code

Search posts

About Us

Lorem Ipsum is simply dummy text of the printing and typesetting industry. Lorem Ipsum has been the industry's.

Popular Posts